Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Shir Looga Hadlayo Nabadgalyada Gaalkacyo oo Soconaya
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:22
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:81
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:246
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:368
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 09 2008
Shir Looga Hadlayo Nabadgalyada Gaalkacyo oo Soconaya
Written by Ali Moallim   
Saturday, 09 August 2008

Gaalkacyo,(insidesomalia.org)- Shir aan caadi aheyn oo ay leeyihiin Maamulada Koonfurta iyo Waqooyiga ee Gobalka Mudug iyo Odayaasha dhaqanka ayaa waqtigan ka socda Dugsiga Hoose Dhexe ee Umada oo kuyaala bartamaha Magaalada Gaalkacyo ,waxaana kulankan uu yahay mid xasaasi ah.

 

Ciidamo ka tirsan Dawlad Goboleedka Puntland ayaa adkeeyey amaanka ,waxaana inta badan la xiray Wadooyinka soo gala Goobta ,waxa ayna ciidamadu sidoo kale sugayaan amaanka guud ee Magaalada Gaalkacyo ayadoo Magaalada laga dareemaya jawi ciidan.

 

Shirkan ayaa looga hadlayaa Gaadiid iyo Dad kala duwan oo kala heysto sidii ugu haboon ee lugu sii deyn lahaa iyo sidii cidii leh dambiyadii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo Maxkamad loo horgeyn lahaa.

 

Kulankaan ayaa Saxaafada loo diiday ,waxaana goobta lasheegay in ay ka socoto dood xoog leh oo ay leeyihiin dhinacyada Waqooyiga iyo Koonfurta ee Magaalada Gaalkacyo ,waxaana la filan karaah in dooda xoogeedu noqdo gaadiidka iyo dad lugu kala heysto qeybaha Magaalada.

 

Dad la socdey Shirkan oo ay la hadashey AllPuntland ayaa sheegay in go'aamada ka soo baxa kulanka ay qeyb ka noqon doonaan in la yeerayo isku socodka dadka wada degan Magaalada iyo qodobo kale oo xasaasi ah ,markaasna si wada jir ah loo baaro dadka masuulka ah ka dhibaatooyinkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada.

 

Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa todobaadyo ka hor gacanta ku soo dhigey nin looga shakisan yahay ku lug lahaanshaha falalkii ugu dambeeyey ee Magaalada Gaalkacyo ka dhacay ,waxa ayna arinta ninkaasi sababtey in Magaaladu gasho xaalad qatar ah isla markaasna gaadiid lakala qabsado.

 

Wada xaajoodyada bilowday ayaa kusoo beegmaya xili Magaalada ay soo galeen ciidamo xoog leh kuwasoo dhinaca Puntland loogu talagalay xoojinta amaanka ee Magaalada Gaalkacyo iyo sare uqaadida ilaalinta dadka soo galaya Magaalada.





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >